12 KiB
🇺🇸 English 🇪🇸 Español 🇫🇷 Français 🇸🇴 Soomaali 🇸🇦 العربية 🇧🇪/🇳🇱 Nederlands 🇮🇳 हिन्दी 🇧🇩 বাংলা 🇨🇿 Čeština 🇰🇷 한국어 🇯🇵 日本語
Website · Try Sandbox · Docs · Discussions
Memvid waa nidaam xusuuseed oo hal fayl ah kaas oo loogu talagalay wakiillada AI (AI agents), lehna soo-celin degdeg ah iyo xusuus fog.
Xusuus joogto ah, la raadin karo, lana qaadan karo, iyadoo aan loo baahnayn database-yo kale.
⭐️ Noo saar STAR si aad mashruuca u taageerto ⭐️
Waa maxay Memvid?
Memvid waa nidaam xusuuseed AI oo la qaadan karo kaas oo kuu keydinaya xogtaada, habka raadinta (embeddings), qaabdhismeedka iyo metadata-daba ku ururiya hal fayl oo keliya.
Halkii aad ka isticmaali lahayd nidaamyada RAG-ga ee adag ama database-yada vector-ka ee ku shaqeeya server-ka, Memvid wuxuu kuu oggolaanayaa inaad xogta si toos ah uga soo ceshato faylka dhexdiisa si aad u degdeg badan.
Natiijadu waa lakab xusuuseed ka madax-bannaan nooca modelka iyo kaabayaasha (infrastructure-free), kaas oo siiya wakiillada AI(AI agents) xusuus joogto ah oo fog oo ay meel walba u qaadan karaan.
Maxay tahay sababta Frames-ka Muuqaalka (Video Frames)?
Memvid wuxuu dhiirrigelin ka helayaa habka xogta muuqaalka loo kaydiyo (video encoding), isaga oo aan kaydinayn muuqaal balse u habaynaya xusuusta AI si isku-xiga (sequence) oo aad u hufan oo "Smart Frames".
"Smart Frame" waa unug aan isbeddelayn oo kaydiya macluumaadka oo ay la socdaan waqtiga (timestamps), checksums iyo metadata aasaasi ah. Frames-ka waxaa loo ururiyaa qaab oggolaanaya isku-duubni (compression), tusmeyn (indexing), iyo akhris is-barbar-socda oo hufan.
Qaabdhismeedkan ku salaysan frames-ka wuxuu suuragelinayaa:
- Qoraal kaliya oo lagu darayo (Append-only) iyadoo aan la beddelayn ama la kharribayn xogta jirtay
- Baaritaan lagu sameyn karo xaaladihii xusuusta ee hore
- Kormeeridda habka ay aqoontu u kobcayso iyadoo loo eegayo waqtiga
- Badbaadada xogta (crash safety) iyadoo la adeegsanayo frames go'an oo aan isbeddelayn
- Isku-duubni hufan oo loo adeegsanayo farsamooyin laga soo minguuriyay kaydinta muuqaallada
Natiijadu waa hal fayl oo u dhaqmaya sidii jadwal xusuuseed oo dib loo celin karo oo loogu talagalay nidaamyada AI.
Fikradaha Muhiimka ah
-
Living Memory Engine Si joogto ah ugu dar, u laameey (branch), una kobci xusuusta qeybo kala duwan.
-
Capsule Context (
.mv2) Capsule xusuuseed oo isku-filan, la wadaagi karo, lehna sharciyo iyo waqti dhicitaan. -
Time-Travel Debugging Dib u celi, ama qabeey xaalad kasta oo xusuusta ah.
-
Smart Recall Soo-celinta xusuusta gudaha wax ka yar 5ms iyadoo la adeegsanayo kaydinta saadaalinta (predictive caching).
-
Codec Intelligence Si otomaatig ah u doorta una casriyeeya isku-duubnida (compression) waqtiga ka dib.
Meelaha loo adeegsado (Use Cases)
Memvid waa nidaam xusuuseed oo la qaadan karo oo aan server u baahnayn, kaas oo siiya wakiillada AI(AI agents), xusuus joogto ah iyo soo-celin degdeg ah. Maadaama uu ka madax-bannaan yahay modelka, waxna ku akhriyo qaabab badan (multi-modal), una shaqeeyo si buuxda isagoo aan internet lahayn, horumariyayaashu waxay Memvid u adeegsanayaan hawlo badan:
- Wakiillada AI(AI Agents) ee muddada dheer shaqeeya
- Keydka aqoonta ee shirkadaha
- Tageerida AI-ga ee ku shaqeeya offline-ka
- Fahamka nidaamyada koodhka (Codebase)
- Wakiillada adeegga macmiilka
- Otomaatigga shaqada (Workflow Automation)
- Kaaliyayaasha iibka iyo suuqgeynta
- Kaaliyayaasha aqoonta shakhsi ahaaneed
- Wakiillada caafimaadka, sharciga, iyo maaliyadda
- Hannaanka shaqada AI-ga oo la baari karo lana saxi karo (Auditable/Debuggable)
- Codsiyada gaarka ah (Custom Applications)
SDKs & CLI
Ku isticmaal Memvid luuqadda aad doorbidi lahayd:
| Package | Install | Links |
|---|---|---|
| CLI | npm install -g memvid-cli |
|
| Node.js SDK | npm install @memvid/sdk |
|
| Python SDK | pip install memvid-sdk |
|
| Rust | cargo add memvid-core |
Kushubashada (Installation) (Rust)
Shuruudaha
- Rust 1.85.0+ — Si aad ugu shubato Guji linkagan rustup.rs
Ku dar Mashruucaaga
[dependencies]
memvid-core = "2.0"
Feature Flags
| Feature | Sharaxada |
|---|---|
lex |
Raadinta qoraalka oo dhan oo leh darajada BM25 (Tantivy) |
pdf_extract |
Soo saarista qoraalka PDF oo saafi ah |
vec |
Raadinta isku-midka ah ee Vector (HNSW + ONNX) |
clip |
CLIP visual embeddings oo loogu talagalay raadinta sawirka |
whisper |
Beddelka codka iyadoo loo baddelayo qoraal lana adeegsanayo Whisper |
temporal_track |
Turjumidda taariikhda ee luuqadda caadiga ah ("Salaasadii hore") |
parallel_segments |
Soo gelinta xogta iyadoo la adeegsanayo dhowr nuuc (Multi-threaded) |
encryption |
capsules-ka xusuusta ee ku xidhan sirta (password) (.mv2e) |
U furo sifooyinka (features) sida aad ugu baahan tahay:
[dependencies]
memvid-core = { version = "2.0", features = ["lex", "vec", "temporal_track"] }
Bilow Degdeg ah (Quick Start)
use memvid_core::{Memvid, PutOptions, SearchRequest};
fn main() -> memvid_core::Result<()> {
// Create a new memory file
let mut mem = Memvid::create("knowledge.mv2")?;
// Add documents with metadata
let opts = PutOptions::builder()
.title("Meeting Notes")
.uri("mv2://meetings/2024-01-15")
.tag("project", "alpha")
.build();
mem.put_bytes_with_options(b"Q4 planning discussion...", opts)?;
mem.commit()?;
// Search
let response = mem.search(SearchRequest {
query: "planning".into(),
top_k: 10,
snippet_chars: 200,
..Default::default()
})?;
for hit in response.hits {
println!("{}: {}", hit.title.unwrap_or_default(), hit.text);
}
Ok(())
}
Dhisid (Build)
Qeyb ka soo qaado (Clone) kaydka (Repository):
git clone https://github.com/memvid/memvid.git
cd memvid
U dhis habka cilad-baadhista (debug mode):
cargo build
U dhis habka rasmiga ah (release mode - la hagaajiyay):
cargo build --release
Ku dhis sifooyin (features) gaar ah:
cargo build --release --features "lex,vec,temporal_track"
Tijaabi iskudayga (Run Tests)
Tijaabi iskudayada oo dhan:
cargo test
Tijaabi iskudayga iyadoo natiijada la arkayo:
cargo test -- --nocapture
Tijaab iskuday gaar ah:
cargo test test_name
Tijaabi iskudayada isku-xirka (integration tests) ah oo keliya
cargo test --test lifecycle
cargo test --test search
cargo test --test mutation
Tusaalooyin (Examples)
Tusaha examples/ wuxuu ka kooban yahay tusaalooyin shaqaynaya:
Adeegsiga Fudud
Wuxuu muujinayaa samaynta, gelinta, raadinta, iyo hawlgallada waqtiga (timeline):
cargo run --example basic_usage
Soo gelinta PDF
Geli oo baadh dukumiintiyada PDF-ka ah (wuxuu isticmaalaa warqaddii aheyd "Attention Is All You Need"):
cargo run --example pdf_ingestion
Raadinta Muuqaalka ee CLIP
Raadinta sawirka iyadoo la adeegsanayo CLIP (waxay u baahan tahay clip feature):
cargo run --example clip_visual_search --features clip
Beddelka Codka ee Whisper
Beddelka codka (waxay u baahan tahay whisper feature):
cargo run --example test_whisper --features whisper
Qaabka Faylka (File Format)
Wax walba waxay ku jiraan hal fayl oo .mv2 ah:
┌────────────────────────────┐
│ Header (4KB) │ Magic, nooca, awoodda
├────────────────────────────┤
│ Embedded WAL (1-64MB) │ Kasoo kabashada burburka
├────────────────────────────┤
│ Data Segments │ Frames la isku-duubay
├────────────────────────────┤
│ Lex Index │ Tantivy qoraal ka buuxo
├────────────────────────────┤
│ Vec Index │ HNSW vectors
├────────────────────────────┤
│ Time Index │ Siday u kala horreeyaan
├────────────────────────────┤
│ TOC (Footer) │ Meeqaamka qaybaha
└────────────────────────────┘
Ma jiraan faylal .wal, .lock, .shm, ama faylal dhinac socda. Weligaa.
Fiiri MV2_SPEC.md si aad u hesho faahfaahinta dhammaystiran ee qaabka faylka.
Taageer (Support)
Ma qabtaa su'aalo ama ra'yi? Email: contact@memvid.com
Noo saar ⭐ si aad u muujiso taageeradaada
Shatiga (License)
Apache License 2.0 — Fiiri faylka LICENSE si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah.